Hankordhiye News

Hankordhiye News

The war against terrorism in Somalia is intensifying


 Somalia ayaa gashay marxalado kaduwan kuwii lagu yaqiinay sanaddadii udambeyay ee dhanka ladagaalanka Khawaarijta argagixisada ah ee Somalia dhibaatayneysa.

Bartamihii sanadkii dhammaadey ee 2022 Somalia waxa kabilowdey Kacaan shacbi oo kadhan ah Argagixisada Alshabab ee Somalia kadib markii shacbiga reer guuraaga ah ay u adkeysan waayeen baadda aan loomeeldayin ee Alshabab kuheyso Xoolahooda iyo Naftoodaba.

Taasoo kadhalatay kadib markii ay Alshabab labalaabtay dhaqaalihii ay sida qasabka ah uga qaada jirtay dadka xoola dhaqatada ah ee reer Miiga ah kuwaasoo laddaala dhacayay Abaaro isdaba jooga sido kale Alshabab ayaa iskudayey dhul ballaarsi si ay xukunkooda ugu faafiyaan dhul hor leh taaso iyaduna sii dhiiri galisay iskacaabintooda, intaas dabadeed Alshabab ayaa burburin aan loomeeldayin kulakacay ilihii nolosha dadka reer guuraaga ah sida Ceelashii biyaha iyo Isgaarsiinta Internetka. Dadka reer guuraaga ah iyo deegaannada qaar ee gobollada dhexe ee Somalia ayaa bilaabay ladagaalanka Alshabab iyagoo kasoo hooyay Guulo horudhac ah hase ahaatee guulahaas ayaa sii ballaartay kadib markii ay dowladda Somalia ay garab istaag ciidan iyo maamulba ku hoggaamisay dadka deegaannada reer guuraaga ah deggan.

Gobolka Hiiraan ayaa ahaa gobol intiisa badan ay si wadajir ah uga billaabatay ladagaalanka Alshabab waxana laxoreeyay intabadan gobolka  Hiiraan kadib waxa loosii gudbay gobolka Shabeellaha dhexe oo isna darisla ah gobolka Hiraan waxana Alshabab looga saaray muddo kooban gudeheed.

 labada gobol waxaa kajira Maamul goboleed lagu magacaabo Hirshabeelle

Howlgalkan ayaa uga duwan howlgalladii hore in Ciidammada dagaalka kujira ay soomaali yihiin iyago helaya taageero dhanka cirka ah oo kaliya waana horumadh weyn in ciidammada Somalia ay kaligood udhaqaaqaan howlgalkan iyadoo dalka ay joogaan inkabadan 20000 oo Ciidamo ajannabiya ah kuwwas oo dalka ujooga arrimaha Amniga iyo ladagaalanka Argagixisada. Hase ahaatee ciidammada Somalia ayaa kuguuleystay Tijaabadan iyagoo soohooyay guulo aan lafilayn in ay si dhakhsiyo badan uxaqiijin garaan.

Howlgalka ayaa hadda katillaabay Maamulka Hirshabeelle isagoo gaarey Maamulka Galmudug oo daris la ah Maamulka Hirshabeelle.

Dowladda ayaana isla markiiba xaqiijisay guulo degdeg ah oo muujinaya ka go‘naanta dowladda ee dhanka ladagaalanka Alshabab.

Magaalo xeebeedka qadiimiga ah ee Xarardheere ayey dowladdu kusiisiqeysa haddii ay gacanta dowladda soogashana waxey kadhigantay in dhulka Xeebta ah ee udhexeeya caasimadda Mogadishu iyo gobollada dhexe ay kujiraan gacanta dowladda dhulkaas oo gaaraya 500km.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa kusugan meel udhow Furinta dagaalka isagoo halkaas kahagaya Howlka waxana wehliya wasiirka difaaca Somalia.

Taasoo dhhiri galin u ah dadweynaha iyo Ciidammadaba.

Dowladda ayaa muulineysa dadaalkeeda dib uxoreynta dalka ah iyadoo baacsi weyn kuheysa Argagixisada dhan dagaal warbaahineed  iyo dhaqaalaba taasoo saameyn foolxun kuyeelatay awooddii kooxdan Argagixisada ah ee Alshabab kuwaasoo ummuqda in mustaqbalkoodii dhammaadey.

Post a Comment

0 Comments