Hankordhiye News

Hankordhiye News

The terrorist group fighting in Somalia has been weakened its power


 Alshabab ayaa aheyd koox Argagixisada Alqaacidda katisan kana howlgasha bariga Afrika saldhigooduna waa Somalia.

Muddo  kabadan 15 Sano ayey jirtaa kooxdani waxeyna wali tahay kooxda ugu qatarsan ee qaaradda madow ee Afrika kajirta. Kooxdan ayaa aheyd koox siweyn looga baqo marka lajoogo bariga Afrika maxaa yeelay waxey weerarro kageysataa intabadan waddamada bariga Afrika marka Somalia lajoogana aad ayey usarreysaa cabsida dadku kaqabaan waxyeelo uga timaadda kooxdan haddii aad tahay qof saameyn Dhaqaale Siyaasadeed Aqooneed ama Bulsho lehna waxay ubadantahay inay toos kuula soo xiriiraan si ay kaaga fushadaan danahooda dhaqaale ama siyaasadeed.

Alshabab ayaa Qaraxyo aan loomeeldayin kubaabi‘isay bulsho badan oo aan waxba galabsan si inta soohartaa ay wali ugasii baqaan ayey sidaas usameysaa kooxdani.

Hase ahaatee Alshabab ayaa leyn jiray dadka magaalooyinka kunool iyagoo iska ilaali jiray dadyowga iyo qabaa ilka hubeysan ee kunool dhulka fog ee reer miiga ah laakiin Alshabab oo aan lala dagaalamin dagaal weyn shantii sano ee lasoodhaafey ayaa hunguriyeeyay in ay si qasab ah kumaamulaan dadyowga qabaailka ah taasoo keentay kacdoon qabali ah oo hubeysan kana dhan ah kooxdan Alshabab waxeyna kala kulmeen Jab iyo iskacaabin aysan kafileyn taasoo keentay in ay si dhakhsi ah ulumiyaan dhul aad uballaaran iyo maamulkoodiiba waxaase uga daran jabka gaarey saameynta uu kuyeeshay dagaalkani taasoo ah in cidkasta aamintay in ay yihiin koox tabaryar oo lasoo afjari garo muddo kooban taasoo niyadda udhistay dhammaan dadweynihii kacabsan jiray kooxdan Alshabab kuwaasoo billabey in ay diidaan amarradii iyo dhaqaalihii ay kaqaadan jirtay kooxdani, dowladda ayaana umuuqata mid si togan uga faaideysaneysa waqtigan dahabiga ah ee ay heshay.

Asbuucaan wuxuu Alshabab ugu bilowdey luminta iyo kaqabsashada magaalooyin istiraatiiji ah oo ay 15 Sano maamulayeen taasoo u ah dhibaato hor leh oo ay lasii kulmeyso kooxdan naflacaariga baxsadka ah ee Alshabab.


Madexweyna maamulka Galmudug ee bartamaha Somalia ayaa saacado kadib markii laqabtay magaalada Xarardheere booqdey isagoo halkaa kuhoydey lana filayo inuu usii gudbo magaalooyinka kale ee laga saarey gacanta khawaarijta Alshabab.

Xarardheer waa magaalo ahmiyad weyn uleh ciddii heysata waa magaalo ay kunool yihiin bulsho kala duwan waa magaalo ku caan ah ilbaxnimada iyo halgankii xornimo doonka Somaliyeed.

Madaxweynaha Galmudug oo lahadlay idaacadda VOA ayaa sheegay in ay sii baacsan doonaan haraadiga kooxda baxsadka ah ee Alshabab sidoo kalana loosameyn doono maamul kumeelgaara degmooyinka laxoreeyay wuxuuna intaas kudaray in dhawaan lasoo afjari doono joogitaanka kooxda Alshabab ee gudaha dowlad goboleedka Galmudug Somalia. Laba magaalo oo muhiima iyo deegaano kale Ayey Alshabab wali kajoogtaa gudaha Galmudug kuwaasoo ay Ciidammada dowladda Somalia kusii qulqulayaan si ay uga eryadaan haraadiga kooxda Alshabab ee wali halkaas kusii dhuumaaleysanaya.

Post a Comment

0 Comments