Hankordhiye News

Hankordhiye News

President Erdoğan announced when the country's election will be held and the reasons for it


Adduunka wuxu iskudiyaarinayaa lafalgalka dhacdooyinka waaweyn ee sanadka cusub. Dhacdooyinkaas ayaa ah kuwo kala duwan kana kala dhici doona adduunyada quruumeheeda kala duwan qaar kamida dhacdooyinkaas ayaa ah kuwo aad uxiiso badan halka kuwa kalena ay saameyntooda leeyihiin 

Waxaa isbadal siyaasadeed oo sabab unoqon kara kala wareeg siyaasadda caalamiga ah kadhici doonaa qeybo kamida adduunka.

Doorashoyinka sanadkan dunida kadhici doona waxa ugu waaweyn kuwa kaqabsoomi doona waddamada Brazil Neigeria Pakistan iyo dalka Turkiga.

Pakistan ayaa ah dalka labaad ee ugu xiisaha badan waxaana lagacabsiqabaa inuu soorogaal celiyo ninka sida weyn ay reer galbeedku uga cabsi qabaan ee Intan Khan inu soolaabto kaas oo sanadkii hore ay kurideen kacdoon gudaha dalkaas ah oo ay kukiciyeen Hogaamiyayaasha Baarlamaanka iyo Ciidammada qalabka sida. Tanse ugu xiisaha weyn uguna hadalheynta badan xambaarsanna isbadal weyn oo saameyn kuleh Adduunka ayaa 3ddex bil kadib kadhici doonta dalka Turkiga.

Utartamaha ugu weyn ee isha lagu haayo ayaa ah Erdogan kaas oo dhuunta ugalay reer galbeedka soona saarey dal weyn oo quwad leh tartan xoogganna lagali gara reer galbeedka iyo wixii kasoo horjeedaba. Taas oo ah wax aad ugubaya reer galbeedka kuna qasbaya in ay taageeraan mucaaridka Erdogan si ay ugu diyaariyaan mucaaridka inay gaaraan saameyn sababi garta in ay meesha kasaaraan Erdogan laakiin Erdogan oo ah nin siyaasadda iyo ciyaarteeda siweyn loogu yaqaan ayaa ah mid hadda umuuqda inuu kafeejigan yahay jillaafooyinka lala damacsanyahay wuxuna kushegay khudbad uu ujedinayey qeybo kamida Xisbigiisa hormadhka iyo caddaaladda in doorashada madaxweyne ee dalka lagasoo hor mari doono xilligeedii lagana dhigay 14.may.2023. Oo ah maalin axada kuna beegan maalin xambaarsan Taariikh mug leh. 1951dii waxaa ladoortay Raiisulwasaarihii lahaa jiray aragtiyoyinka lamidka ah kuwa Erdogan ee Adnan.

Kaasoo dalka Turkiga saaray waddo iffeysa balse lagu kiciyay Ciidammada qalabka sida, kuwaasoo ugu dambeyn katakhallusay taasoo iyana lamida wixii lagula kacay madaxweyne Erdogan 2016.balse uu kabadbaadey kanasii dhaxlay Taageero horleh.

Erdogan ayaa usababeeyay soo horminta waqtiga doorasha asbaabo macquul ah sida in xilliga caadiga ah ee doorashadu kubeegantahay xilli fasax diiniya iyo mid shaqaba ah sida in inbadan oo Turki ahi aadi doonaan dalka Saudi Arabia si ay usoo guddaan waajibka Xajka ee kuwaajibay.

Tan ayaa muujineysa sida tunka weyn ee uu Erdogan ula ciyaarayo siyaasadda kuwa iskudayaya in ay meesha kasaaraan, marka lagasoo tago asbaabahaas waxa kuhoos qarsoon in xisbiga Erdogan ay lumi lahaayeen codad aad utiro badan haddii doorashadu dhici laheyd xilligi hore loogu asteeyay.

 


Post a Comment

0 Comments