Hankordhiye News

Hankordhiye News

The political future of president Erdogan is facing a difficult alliance both at home and abroad



Dalka Turkiga ayaa ah dal leh Taariikh aad uballaaran oo dahabi ah dalkan ayaa soo maray marxalado kala duwan oo dhanka siyaasadda iyo diimaha ah.Mar ayuu ahaan jiray dal martigaliyay ayna kajirtay dowlad weyn oo aan mujslim aheyn taasoo fadhigeedu ahaa dalkan Turkiga ee maanta islaamka ah.Xilligii halkanka loogu jiray fidinta diinta Islaamka ayey diintu soo gaartay dalkan muhiimka ah ee Turkiga.Muddo kadib dalkan ayaa noqdey saldhigga dowlad Islaami ah oo dunida islaamka badankeed maamuleysay qarniyo badan illaa laga so gaaro dhammaadka dagaalkii kowaad ee dunida oo sidoo kale saameyntii dowladdii Islaamka aheyd ee fadhigeedu Turkiga ahaa ay soo afjarantay. Wadammo badan oo isbaheystay una badan reer Galbeedka ayaa qeyb libaax keh kaqaatay burburinta dowladdaas Islaamiga aheyd. Dabadeed waxa lagu dhawaaqey dowladda hadda jirta ee jamhuuriayadda Turkiga taasoo leh xudduudo ay ucayimeen waddamadii soo duulay. Markaas wixii kasoo bilowdey waxaa wiiqmey Taariikhdii mabaadi´da iyo Manhajka Islaamka kudhisneyd waxaana xukunka lawareegay Xisbi calmaaniya oo ladiriray Astaamihii Islaamka iyo Culuumtiisaba waxeyna dalka gaarsiiyeen heer aanan la aadaami karin masaajiddana aanan Codka kor looqaadi karin.

Muddo dheer kadib waxaa dalka looga dhawaaqey xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ee Turkiga kaas oo guddoomiye iyo Aas aase ka ahaa Rajeb Dayib Erdogan  oo ah madaxweynaha iminka ee dalka Turkiga isagoo lasoo kulmay caqabado kala duwan oo uga imaanayeys kooxihii calmaaniga ahaa ee dalka muddada dheer heystay tan iyo markii uu soo galay siyaasadda sare ee dalka Madaxweyne Erdogan wuxuu sameeyay hormar dhanka siyaasadda ah isagoo noqdey Raiisalwasaaraha dalka kadibna udallacay Madaxweyne.Muddadii uu dalka joogay madaxweyne Erdogan wuxuu Turkigu dib uhantay muddo dheer kadib Astaamihii islaamka iyo hogaankaba laheyd ee uu caalamka kulahaan jiray.Madaxweyne Erdogaan ayaa kasbadey cadaawad ay uqabaan kooxo gudaha dalkiisa ah iyo dibaddaba kuwaasoo diiddan in dalku noqdo dal islaamiya oo xoog leh taasoo keentay in laysku dayo in meesha ladhaafiyo madaxweyne Erdogan iyadoo loo marayo siffo aan sharci aheyn maadaama looga guuleysan waayey hab waafaqsan sharciga Turkiga udegsan.Madaxweyne Erdogan ayaa xoogga saarey dhinacyada horumarinta dhaqaalaha dalka iyo kaashaandhigga dalka isagoo kasoo hooyay guulo wax guool ah oo wax badan kabadalay dalka Turkiga gudihiisa iyo dibaddiisaba.

Dhacddoyinka Turkigu wajahayo Sanadkan 2023ka.

Sanadkan 2023 ayaa Turkiga uga duwan sanaddadii hore waxaana kadhici doona dalka isbadal aan horey uga jirin muddo dheer oo laxariira xudduudihiisa iyo waxsoosaarkiisaba.Sanadkan waxaa Jamhuuriyada Turkiga ee aynu maanta naqaano ubuuxsami doona 100 sano guuradii markii la aas aasay, dhammaadka hishiisyadii uu dalku ku aasaasmey ee ay shuruudda uga dhigeen waddamadii kusooduulay dalka oo kaxayirayay dhan xudduud iyo waxsoosaarba sidookale dalka waxaa kaqabsoomi doona Doorasho indhaha caalamku kufoojigan yihiin saameyneysana mustaqbalka madaxweyne Erdogan haddi uusoo baxo markale madaxweyme Erdogan wxaa la aaminsanyahay in Turkigu noqon doono mid kamida Quwadaha adduunka kuhardami doona mustaqbalka dhow. Guusha Erdogan ayaa ah mid leh Cadow dibadda dalka iyo gudihiisaba ah waxaase larajeynayaa inuu kusoobaxo dalka Turkiaga doorashadiisa markale Madaxweyne Erdogan oo inta badan dadka waxgaradka ahi ay taageersanyihin siyaasaddiisa kudhisan Turki iskufilan dhanwalba lehna saameyn dibadeed difaacana danaha waddamada walaalaha ah ee  caalamka Islaamka.

Post a Comment

0 Comments